U bood dhigaalka

Shirka Watashiga Qaran oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Amniga

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga qaran ee u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisulawasaaraha dalka, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaas oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday xarunta madaxtoooyada, shirka ayaa laga soo saaray War-murtiyeed.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada u yeelan lahaayeen wadashaqeyn dhab ah, waxaa sidoo kale looga hadlay dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka dalka, xaaladda Abaaruhu waxaa ay aheyd mid siweyn iyana loogu faaqiday sidii loo abuuri lahaa gurmad deg deg ah oo laga sameeyo.

Shirka oo gogoshiisa uu dhigay madaxtooyada Mudane Madaxweyne Xasan Shiirkh, waxaana ka qeyb galay, Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada  Siciid Cabdillaahi Deni, Cabdicasiis Xasan Laftagareen, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Cali Guudlaawe Xuseen iyo guddoomiye Cumar Filish.

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

Goobjoog News