U bood dhigaalka

Shirkad Ceeymis ah oo Maanta Laga Furey Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

TakaafulMarkii ugu horeysey waxaa magaalada Muqdisho laga furey shirkad ceeymis ah oo habka islaamiga ah ku shaqaysa, taasi oo lagu magacaabo Takaaful.

Shirkadani oo dadka aanan ka qaadaynin wax dulsaar ah ayaa waxaa ku dhawaaqisteedii ka qeybgalay ganacsato iyo mas’uuliyiin dowladeed, kuwaasi oo dhamaan bogaadiyey shirkada, kuna tilmaamay horumar kusoo kordhey dalka.

Maamulaha shirkadani Maxamed Faarax Jeesoow oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegey in shirkadu ay tahay mid taakuleyneysa, islamarkaasina badbaadineysa dadka ay waxyeelo soo gaarto hanti ahaan, si ay dib ugu soo kabsadaan.

Sii hayaha wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada sare Siciid Qoorsheel oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in muddo ka hor ay ku fikirayeen in ceeymis loo sameeyo gaadiidka waaweyn ee dekada iyo kuwa kale, balse maanta ay illaahay mahadiis tahay in dad ganacsato ah hirgaliyeen.

Qoorsheel ayaa sheegey in loo baahanyahay shirkado waddani ah oo dalka maalgashi ku sameeya, gaar ahaan jidadka burbursan “Afgooye waa la gaari la’yahay jid la’aan darteed, maxaa diidaya in shirkad ay tiraahdo anaa dhisaya jidka , ee ha lai siiyo qeyb ka mid ah canshuurta shan sano?” ayuu is weeydiiyey sii hayaha wasiirka.

Shirkadani ayaa waxa ay qeyb ka tahay maalgashi ay dadka Soomaaliyeed ku sameysanayaan dalka kadib xasilooni dalka ka hirgashay.

Dhageyso

Goobjoog News