U bood dhigaalka

Shirkad Laga Leeyahay Dalka Shiinaha Oo Dhiseysa Dekadda Hobyo

Sheeko:Dalka

Qubaro ka socda shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa deegaanada Galmudug, islamarkaana kormeer kusoo sameeyay qaabka loo hirgelin karo dhisamaha dekadda Hobyo ee gobalka Mudug ayaa gaaray degmada Cadaado ee Galmudug.

Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo qubaradaan ayaa sidoo kale waxay kormeer ku sameeyeen waddo dhismaheeda uu ka soconayo degmada Cadaado oo la doonayo in la gaarsiiyo degmada Hobyo.

Quan Jun oo hogaaminayay qubaradaan shiinaha ayaa sheegay inay hadda heleen macluumaad badan oo ku aadan dhismaha dekadda Hobyo.

“Baaritaanka hadda aan sameynay waxaan helnay qeybtii ugu horeysay natiijo nagu filan, laakiin in dekad la dhiso waxay u baahan tahay in dhowr jeer lagu noqnoqdo macluumaadkii si loo helo macluumaad sax ah oo la aamini karo misane lagu dhiso dekadda, marka safarka hadda aan ku nimid waxa uu inoo muujiyay in lagu guuleystay qeybtii Koowaad ee wax isku darsigeena” ayuu yiri Quan Jun

Wasiir ku xigeenka howlaha guud ee maamulka Galmudug Axmed Ilka Case ayaa isna dhankiisa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan dadaallada lagu doonayo dhismaha dekadda Hobyo.

“Waxaan ka Galmudug ahaan leenahay shirkadda Shiineeska ee u timid horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha gacmo furan kusoo dhawaada, ka wasaarad ahaan shaqada bilawgeeda waan ka mahad celinaynaa, dadaal badan oo la sameeyay, intii lasoo qabtay waan ka mahad celinaynaa, inta dhimanna waan idiin balan qaadeynaa inaan gacanteena ka geysanno” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Maamulka Galmudug ayaa wado dadaallo badan oo uu ku doonayo dib usoo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha.

Goobjoog News