U bood dhigaalka

Shirkad Soo Bandhigtey Xaafad-Magaalo Cusub oo Laga Dhisayo Muqdisho

Sheeko:Dalka

???????????????????????????????Shirkadda Al-Buruuj iyo Tan Hantida Ma Guurtada ah ee Salaam ayaa waxa ay magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen naqshada xaafad dhan oo leh dhamaan adeegyada asaasiga ah taasi oo dadka laga gadayo si ay halkaasi u deegaameystaan.

Xaafadani ayaa waxa ay leedahay xeendaab kore oo ku wareegsan, hal albaab oo laga galo, isbitaal, masaajid, suuq , goobo jimicsi iyo ciyaaro iyo waliba madadaalada caruurta, iyada oo guryaha loo dhisey qaab casri ah oo lagu qalabeeyey dhamaan agabkii muhiimka ahaa sida shooladaha cuntada lagu kariyo ee korontada ku shaqeeya iyo wixii la hal maala.

Cabdirisaaq Xaaji Jimcaale oo madax ka ah shirkadda Salaam ee Hantida Ma Guurtada ayaa sheegey in halkii markii horey ay ahaan jirtey in qofka uu guri iibsado, hadda xaalka uu yahay sidii qof iibsanaya magaalo dhan oo uu ka dhex helayo wax kasta oo uu doonayo.

Xaafadahani oo loogu magac daray Daaru Salaam ayaa waxaa laga dhisayaa degmada Dayniile, soona xigta wadada warshadaha magaalada Muqdisho.

Muuqaalo goobta lagu soo bandhigey ayaa muujinayay waxyaabo u eg wax riyooyinka oo kaliya suurogal ka ah, aanana u ekeyn meel Soomaaliya ku ooli karta marka laga qiyaas qaato xaaladii uu dalka ku sugnaa.

Tani waa maalgalin balaaran oo malaha malaayiin doolar ku fadhida, waxana ay muujineysaa sida dalka xaaladiisa usoo hagaagayso, ganacsatadana ugu dhiiranayaan in hantidooda ay gashtaan dalka iyaga oo aanan wax baqdin ah ka qabin qasaare iyo duruufo colaadeed.

Nidaamkani waa mid adduunka intiisa badan ka hirgalay, gaar ahaan wadamada dariska sida Kenya oo kale, halkaasi oo ganacsato badan oo Soomaaliyeed ay maalgashi ku sameeyeen guryaha ceynkani loo dhiso. Waxyaabaha farta lagu fiiqi karo oo xaafadahani ay muhiimka ku yihiin ayaa waxaa ka mid ah in qofka guriga ka sokoow uu ku noolaanayo deegaan nadiif ah, deegaan dhir leh, deegaan amnigiisa laga shaqeeyey iyo deegaan leh jawi degen oo naftu ay ku dagi karto.

Dhageyso

Goobjoog News