U bood dhigaalka

Shirkadaha Biyaha Sifeysan Sameeya oo Biyo ugu Yaboohay Qaxootiga Yemen

Sheeko:Dalka

Kulan ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay guddiga samatobixinta qaxootiga, qunsulka Soomaaliya ee Cadan iyo shirkadaha soo saara biyaha sifeysan, waxaana looga hadlayay sidii shirkadahani ay oga qeybqaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo qaxootiga.

Shirkadaha biyaha ayaa ku yaboohay biyo nadiif ah oo loogu talogalay in la saaro markabka loo dirayo Yemen si uu usoo daad gureeyo dadka ku xayiran halkaasi.

Sida ay sheegtey Caasho Shaacuur oo ka tirsan guddiga gurmadka, waxaa jira sahay kale oo ay ka mid tahay timir, buskud, dawo, iyo boco la saarayo markabka dadka kasoo qaadaya Yemen.

Waxaa kale oo ay sheegtey in shaqaale caafimaad lagu diyaariyey markabka dushiisa si ciddii ay xaalad caafimaad soo foodsaarto dadka lasoo qaadayo.

Markabka oo uu ku taborucey mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maanta dekada Muqdisho loogu soo bandhigey saxaafadda, waxaana raaci doono wariyeyaal ka tirsan Goobjoog oo iyadu hormuud ka ahayd barnaamijka loogu gargaarayo qaxootiga.

Goobjoog News