U bood dhigaalka

Shirkadaha Isgaarsiinta ka howlgala Puntland oo digniin kama dambeys ah loo diray (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa digniin kama dambeys ah u diray shirkadaha is gaarsiinta ee ka shaqeeya deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo.

Wasiirka Warfaafinta Putland Cabdiweli Xirsi Cabdule (Indho Guran) oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in shirkaduha isgaarsiintu wax ka bedaleen qiimo ay horay ugu heshiiyeen Puntland iyo shirkadaha, kaa oo ahaa ku hadalka Taleefanka oo sidaan oo hoose heshiiska ahaa.

  1. Qiimaha laysku waco halka daqiiqo gudaha Puntland: $0.027+khidmadda dowlada.
  2. Qiimaha laysku waco halka daqiiqo gudaha Puntland: $0.054+khidmadda dowlada.
  3. Qiimaha lagu waco halka daqiiqo dibadda: $ 0.36+khidmadda dowlada.

Indho Guran ayaa digniin u jeediyey saddexda shirkadood ee ugu waaweyn Puntland (Golis, Nation Link iyo Somtel) isaga oo xusay in maamulka talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono hadii ay jebiyaan heshiiska.

Dhowaan ayey ahayd markii maamulka Puntland cashuur dul saaratay qiimeyaasha laysku waco ee shirakadaha isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale ku amartay shirkaduhu inay hal qiime oo go’an daqiiqadaha hadalka ku iibiyaan.

Maalmihii u dambeeyey waxay cabasho xoogani kasoo yeereysey dadweynaha, maadaama shirkadaha isgaarsiinta gaar ahaan Golis kordhisey qiimaha daqiiqadaha ee laysku wici jirey dalka gudihiisa iyo dibada labadaba.

Hoos ka dhageyso Shirka jaraa’id

Goobjoog News