U bood dhigaalka

Shirkadda Al-bayrak oo Bil gudaheed Dekada Muqdisho uga soo saartay Lacag ka badan Hal milyan oo doolar

Sheeko:Dalka

Maamulka Shirkadda Al-bayrak ee ka gacanta ku haysa Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in mudadii bisha ahayd ee ay maamulayeen dekada ay soo saareen qarash aad u badan.

Maareeyaha shirkadaasi Mustafa Levent oo saxaafadda gelinkii dambe maanta la hadlay ayaa sheegay in ay soo saareyn lacag dhan 1,582,000 (Hal Milyan Shan boqol sideetan iyo Laba kun) oo doolarka Mareekanka ah.

Qarashkaan ayuu sheegay in ay ku wareejiyeen dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sidoo kalena ay qorsheenayaan in qarash kan ka badan ay keenaan bilaha soo aadan.

Maareeyaha ayaa dhanka kale sheegay in ay sameeyeen qiimo dhimis balaaran, waxaana uu tilmaamay in wax walba oo dekada kasoo dega ay qiimo dhimis ku sameeyeen.

Waa markii ugu horeysay Labaatan Sano ka dib qarash intaan la eg uu kasoo xaroodo bil gudaheeda Dekada Magaalada Muqdisho, walibana lagu wareejiyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News