Shirkadda Alibaba Oo Iibsaneysa shirkadda MoneyGram

Shirkadda Ant Financial oo ah garabka lacagaha ee Alibaba ayaa iibsaneysa Shirkadda  Mareykan-ka ah ee MoneyGram. Heshiiskan ayaa ku kacaya lacag dhan 880 milyan oo dollar sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Shirkadda.

Shirkadda MoneyGram ayaa 350,000 oo xarun waxa ay ku leedahay 200 dal oo dunida ku yaala, waxaana macaamiil u ah shirkadaasi 630 milyan oo qof. Heshiiskan ayaa u baahan doona in uu ansixiyo gudiga mareykanka ee Maal-gashiga ajnabiga ah.

Eric Jing, oo ah madaxa shirkadda Ant financial, ayaa qoraal waxa uu ku sheegay heshiiska iibsiga ah ee dhacey in uu wax badan u soo kordhin doono macaamiisha shirkadda gaar ahaan kuwa ku nool dalalka Mareykanka, Shiinaha, Hindiya, Mexico  iyo philipiness.

Ant Financial oo ah garab ka tirsan Shirkadda ganacsiga electroniga ah ee Alibaba ayaa boos fiican ka joogta suuqa lacagaha onlineka lagu  diro ee Shiinaha, waxaana iibsiga Shirkadda ay iibsaneyso Shirkadda MoneyGram  in awoodda Shirkaddu ku sii balaaran doonto.

Mas’uuliyiinta Shirkadda la iibsanayo ee Money Gram ayaa xaqiijisay  jiritaanka heshiiska , waxayna tilmaameen in heshiiska ay horay u ansixiyeen  golaha sare ee Shirkadda.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW