U bood dhigaalka

Shirkadda Alphabet oo Noqotay Milkiilaha Google

 Isniintii Milkiilyaasha Google Larry Page iyo  Sergey Brin, waxaa ay sheegeen in Alphabet ay noqon doonta Hooyada iyo shirkadda iska leh Google.

Google ayaa intaa ku dartay in Shirkadda Alphabet ay hoostagi doonaan Shirkado badan oo Google ay ka mid tahay.

Shirkadda cusub ee Alphabet waxaa ay horay ka sameysatay Web cusub oo lagu magacaabo https://abc.xyz/.

Sababta ay Alphabet.com ula bixi weysay waxaa la sheegay in Alphabet.com ay iska leedahay shirkadda ka ganacsata Baabuurta ee laga leeyahay Jarmalka ee BMW, shirkaddan oo horay u iibsatay domain Alphabet.com waxaa ay sheegtay in aanay Google ka iibin doonin.

Shirkaddan cusub ee Alphabet waxaa ay ka shaqeyn doontaa  (search, Gmail, Android, etc.) waxaa kaloo ay sii hormarin doontaa  (Fiber, Calico, X, self-driving iyo baabuurta).

Alphabet’ waxaa Maamulka qaban doona oo CEO ka noqonaya  Brin halka maamulha guud noqon doono Eric Schmidt.

Tilaabadan ayaa lagu sheegay in ay wax ka badan kusoo kordhin doonto shirkadda Google oo horay u sameysay hor umaro badan.