U bood dhigaalka

Shirkadda Apple Oo Adeegyo Ka Mamnuucday Dalka Iran

Dad badan oo ku nool dalka Iran oo uu ku jiro wasiirka isgaarsiinta dalkaasi ayaa waxay ka cabanayaan ku dhawaad toban barnaamij oo shirkadda Apple ay ka mamnuucday dalkaasi.

Barnaamijyada ay mamnuucday shirkadda ayaa waxay u badanyihiin kuwa Electarooniga ah oo sida tooska ah wax looga iibsado Enternetka.

Wasiirka isgaarsiinta Iran Jawaad Jahrami ayaa bartiisa Twitterka waxaa uu ku qoray in la ixtiraamo xaqa macaamiisha waa arrin asaasi ah balse waxaa uu hoosta ka xariiqay in Apple aysan ixtiraam u muujin macaamiisheeda ku dhaqan Iran.

Warbaahinta Iran ayaa waxay qoreen in shirkadda Apple aysan heynin barnaamijyada laga mamnuucay Iran,taasi oo ka dhalatay cunno qabateynta uu mareykanka ku soo rogay dalkaasi.

Barnaamijyada laga mamnuucay Iran waxaa ka mida adeegga Dillion kaasi oo macaamiisha ay cuntada ku iibsan jireen waxaa kaloo la mamnuucay adeegyada Digikala iyo kuwo kale.

Dalka Iran waxaa laga helayaa 40 milyan oo taleefoonnada Smartiga ah,8 milyan oo ka mida waa nuucyada ay soo saarto shirkadda Apple ee laga leeyahay dalka Mareykanka.