U bood dhigaalka

Shirkadda Caalamiga ah ee Microsoft oo Iskuul Lagu Baranayo “AI” Ka Furtay Dalka Faransiiska

Sheeko:War

Shirkadda “Microsoft” ayaa furtay farac cusub, iskuul lagu baran doono Artificial intelligence “AI” ee garaadka aaladaha , waxaa wax ku baranaya 24-arday oo takhasusyo kala duwan ah.

Waxay shirkaddu horkacaysaa mashaariic cilmibaaris iyo teknoolajiyad ah oo ay ardaydu ka qeybqaadan doonaan, waana Sida uu sheegay maamulaha Iskuulka Carlo Purassanta.

Da’da ardayda iskuulku qaadanayo ayaa waxay u dhaxaysaa 19 illaa 39-sano, waxaa ka mid ah qaar ka soo baxay kulliyadaha xuquuqda, Business Administration iyo Finance. Waxaa kale oo fursadda helaya kulliyadaha Sayniska iyo biology-ga. Ardaydan ayaa labarayaa  xisaabaadka tirakoobyada, horumarinta isgaarsiinta iyo dib-u-habeyntooda.

Mudada ay ardaydan waxbaranayaan ayaa ah 7-bilood si loo baro xisaabta Algorthm, iyo Microsoft technology, iyadoo danta laga leeyahay ay tahay in la kobciyo shabakad mihnadlayaal ah oo bulshada si fudud ugu milma.

Mudada waxbarashada waxaa barbar socda 12-bilood oo kale oo tababarro kala duwan ah oo heshiisyo ay ardaydu ugu saxiixayaan shirkado raacsan shirkadda “Microsoft” ee caalamiga ah.

Goobjoog News