U bood dhigaalka

Shirkadda Duulimaadyada Turkish Airline Oo Joojisay Duulimadyadii ay Ku Tagi Jirtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul

Sheeko:Amniga

Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline ayaa hakisay duulimaadyadii ay isuga kala gooshi jirtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul .

qoraal ka soo baxay xafiiska Shirkadda Turkish Airline oo ay heshay GoobJoog News ayaa lagu sheegay in uu baqday duulimaadyadii diyaaradeed ee magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul, iyadoo lagu war-geliyay dhamaan rakaabka in la hakiyay duulimaadka.

Illaa iyo hadda ma cadda Sababta loo joojiyay duulimaadka berri oo sabti ah ah diyaaradaha shirkadda ay ku tagi laheyd Istanbul.

Dhanka kale ila madaxbanan oo aan la xirriirnay ayaa sheegay in jojinta duulimaadka ay timid  markii cabsi badan ay soo wajahday, Kadib dagaallo 48 saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muwdisho.

Xaaladda Caasimadda ayaa maanta oo Jimca ah aad u kacsaneyd kadib iska hor imaad dhex maray dowladda iyo xubnaha Mucaaradka.