U bood dhigaalka

Shirkadda Kenyan airlines oo Loo Ogolaaday Duulimaadyada Tooska ah Ee Dalka Mareykanka

Sheeko:Dalka

Shirkadda duulimaadka Kenyan airlines ayaa dowladda Mareykanku u ogolaatay iney safarro toos ah ku tagikaraan dalka Mareykanka.

Wasiirka gaadiidka Kenya James Macharia  ayaa Khamiistii sheegay in diyaaradaha duulimaadka Kenyan airlines loo ogolaaday iney duulimaad toos ah ka sameeyaan dalka Mareykanka.

Waxa uu sheegay in Kenya ay hadda heshay Category-ga 1aad ee dhanka ammaanka airport-yada, iyadoo arrintani ay yididiilo u tahay xoojinta gacansiga kala dhexeeya dalka Mareykanka isla markaana ay kobcineyso dalxiisa dadka Mareykanka ah ee dalka Kenya.

Shirkadda duulimaadka Kenya waxay xiriirro la lahaayeen shirkado kale oo dalka Mareykanka laga leeyahay, iyadoo shirkadda duulimaadka Kenya hadda loo ogolaaday iney si toos ah ugu duulaan dalka Mareykanka.

“Xukuumadda Kenya Saami ayay ku leedahay shirkadda Duulimaadyada Kenya, waxayna  qorsheynaysaa iney maalgelin ku sameyso airport ka caalamiga ah ee Joma Kenyatta si loo ballaariyo”, ayuu yiri James Macharia oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi.

Geeska Afrika ayaa waxaa ruqsadda duulimaadka tooska ah ee Mareykanka ka haysatay shirkadda duulimaadyada ee Ethiopian Airlines, iyadoo tani ay keenayso tartan dhex mara labada shirkood oo ugu dambeyn ay ka faa’idoonaan macaamiisha shirkadahani ay leeyihiin iyo dadka Soomaaliyeed ee doonaya iney dalkooda soo arkaan dibna ugu soo noqdaan.

Goobjoog News