U bood dhigaalka

Shirkadda Microsoft oo sheegtay in ay joojisay Adeegga Windows

Shirkaddan ayaa caan ku ahyed adeega Windows-ka tan iyo markii la bilaabay, waxaana haatan ugu dambeyay Windows 10.

Jerry Nixon, oo madax ka ah xafiiska hor-umarinta Microsoft ayaa sheegay in windows 10 uu yahay midda ugu dambeysa Adeegga Windows-ka ee caanka ku thay shirkadda Mircosoft.

Mr Nixon ayaa hadalkan ka sheegay shir ay shirkadda Microsoft ku qabatay Chicago, dalka Mareykanka.

Software-ka la badalayo, Waxaa ay ka dhigan tahay in shirkadda Microsoft ay keeni doono isbadal iyo nidaam cusub.

Shirkadda Microsoft waxaa ay dunida ku heystaa adeegan lakin taasi micnaheeda ma aha in ay sidaa ahaan doonto, waxaa laga rabaa in ay qeyb ka noqoto tartanka caalamiga ee Tecnoljiyadda.