U bood dhigaalka

Shirkadda Microsoft oo si rasmi ah u daah furtay Windows 10.

Warka ugu weyn oo dhamaan dadka xiiseeya Tecknolojiyadda hadda hadal hayaan waa Windows 10, qaabka loo daah furay sida uu u shaqeeyo, Maxuu kaga duwan yahay Windows-kii hore iyo su’aalo kale.

Shirkadda Microsoft waxaa ay sheegtay in dadkii xitaa horay u isticmaali jiray Windows 7, Wnidows 8 ama xitaa 8.1 ay muddo sanad ah gudahood u wareegi karaan Windows 10.

Computer-ka lagu adeegsan karo Windows-kan cusub waxaa uu ka baaxadweynaanayaa kii hore oo waxaa loo baahana yahay ugu yaraan 1 GB iyo Memory intaa la eg.

Waxaa kaloo loo baahan yahay in lagu xiro waxa loo yaqaano Direct x9, wddm 1.0 iyo qalab kale oo dhamaantood ku shaqeyn doona Windows-kan cusub ee Windows 10.

Wargeys ku taqasusay arimaha Tecnolojiyadda waxaa uu leeyahay, way adag tahay in nidaamkan cusub si fudud loola qabsado, lakin waxaa dadka waxaa lagula taliyay in ay samir muujiyaan.

Nidaamkan cusub ee Windows 10, dadka ilaa iyo hadda adeegsaday waxaa ay ka sheegeen in uu aad u dhib badan yahay, waxaa haboon in qofka marka hore ku tababarto inta aan Computerkiisa ku shubin.

Nidaamkan Windows 10, Ma laha Media Center, waxaa kaloo jira in aanu laheyn adeegyo badan oo laga heli jiray Windows 7 iyo wixii ka horeeyay.