U bood dhigaalka

Shirkadda Microsoft oo soo bandhigtay Adeegga Skype Translator oo Casri ah

Shirkadda  Microsoft  ayaa barnaamijkan Skype Translator ama Tarjumaadda waxaa ay soo saartay muddo haatan laga joogo hal sano, lakin hadda waxaa cusub Tarjumaadda degdega ah.

Adeeggan waxaa heli kara Macaamiisha adeegsatay Windows 8, waxaa la sheegayaa xitaa in ay deegsan karaa Macaamiilka Windows 7, Windows 8, iyo Windows 10 users.

Shirkadda waxaa ay soo bandhigtay ilaa lix luqad oo tarjumaaddooda la heli karo sida luqadaha English, French, German, Italian, Madarin, iyo Luqadda Spanish.

Skype waxaa uu kuu ogolaanaa in aan ku sheekesato Luqadahaas adigoo aanan u baahan waxbarsho dheeraad ah.

Adeegan waxaa loo kala saaray Luqado dhawaaq wata iyto Luqado Tarjumaad bas leh, luqadaha dhawaaqa wata waan soo sheegnay, lakin waxaa jiro ilaa 50 luqad oo tarjumaadooda aad heli karo dhawaaq la’aan.

Shirkadda Microsoft ayaa deeggan Skype Translator u keentay in Macaamiisheeda Caalamka jooga ku wada xiriiraan, Shirkaddan Softweerkeeda waxaa adeegsada dhamaan caalamka.