U bood dhigaalka

Shirkadda Nike Oo Joojisay Wadashaqeyntii Ay La Lahayd Weeraryahanka Kooxda Manchester United Ee Mason Greenwood

Sheeko:Cayaaraha

Shirkadda Nike ayaa ku dhawaaqday inay joojisay wadashaqeyntii ay la lahayd weeraryahanka Manchester United ee Mason Greenwood kaddib eedeymaha kufsiga ee loo soo jeediyay.

20-sano jirkaan ayaa hataan bannaanka ku jooga dammaanad ay ku sii daayaan Booliiska Greater Manchester, iyadoo loo xiray tuhunno faraxumeyn iyo hanjabaad dil ah oo uu kula kacay gabar ay saaxiib ahaayeen.

Shirkadda Nike ayaa markii hore ku dhawaaqday inay hakisay xiriirkii ay la lahaayeen ciyaaryahankan kubadda cagta ku xamaasha, markii ugu horreysay ee eedeymaha loo soo jeediyay, laakiin Shirkadda agabka isboortiga farsamaysa ayaa hadda qaaday tallaabo dheeraad ah oo ay ku joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Greenwood.

“Mason Greenwood hadda ma’ahan ciyaaryahan wadashaqeyn la leh Shirkadda Nike,” ayaa ka mid ahaa bayaanka ka soo baxay Shirkadda oo ay arrintaas shaaca uga qaaday.

Weeraryahanka ayaa waxaa ugu dambeysay inuu ciyaaro 19-kii Janaayo, markaasoo ay Manchester United 1-0 kaga badisay West Ham United, iyadoo Red Devils ay ku dhawaaqday inuusan wax tababar ah la sameyn doonin ama uusan ka qeyb qaadan doonin wax kulan ah oo ay kooxdu ciyaarayso ilaa amar dambe.

Greenwood ayaa markii hore la xiray 30-kii Janaayo kaddib sawirro iyo muuqaalo baraha bulshada laga sii daayay iyadoo lagu eedeeyay isaga inuu saaxiibadiisa kula kacay jirdil, faraxumeyn iyo hanjabaad dil ah.

Goobjoog News