U bood dhigaalka

Shirkadda Samsung Oo sameysay Ciyaar Loo Yaqaano virtual reality

Ciyaartan cusub waxaa ay Samsung u diyaarisay qofka in uu tago meesha uu jecel yahay isagoo gurigiisa jooga, waa tilaabo dadka ka yaabisay oo wax badan dunida ka badali doonta.

Tusaale ahaan, waxaa gudaha u geli kartaa magaalada aad jeceshahay, xidiga aad jeceshahay in aad tagto, waxaa intaa dheer waxaa ka mid noqon kartaa Atooraha mid ka mid ah filimaanta aad jeceashay, lakin qaab khiyaali ah oo ciyaar ka sameysay.

Waxaa intaa dheer oo ciyaartan ku jira in aad dhex gali karto goob uu ka socda dhul gariir, Burkaano, waxaa kaloo aad tijaabi kartaa adigoo duulaya ama xitaa diyaarad wado.

Milkiilaha Facebook, waxaa uu sheegay in arrintan ay qaadneyso waqti yar oo la soo saari doono.

Waxaa kaloo Ciyaartan lala isticmaali karaa adeegga Apple-ka iyo adeegyo kale oo dadka oo dhan ka dhaxeeya.