U bood dhigaalka

Shirkadda Soma Oil & Gas Oo Mar Kale Dafirtay Dacwadda Loo Haysto, Rajana Ka Qabta Inay Guuleysato

Sheeko:Dalka

Shirkadda Soma Oil & Gas ayaa mar kale iska diiday eedemo loo soo jeediyay oo ah si qeynuunka waafaqsaneyn ay u waday howlaheeda shaqo, iyadoo shirkadani ay qandaraas shidaal baaris ah kula jirto dowladda Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee shirkadaasi Bob Sheppard oo wareysi siinayay VOA ayaa sheegay in eedeyntaasi aysan ahayn wax jira, isaga oo sheegay in shirkadooda ay diyaar u tahay soo dhaweynta wax walba oo lagu xaqiijinayo heshiiskooda iyo howlahooda shaqo.

“Eedaha ku jira Warbixinta Qaramada Midoobay, waxaan aaminsannahay inaanay sal lahayn, Soma waxay mar walba u arkeysay howlaheeda si sharciga iyo anshaxa waafaqsan, waxaana muujinay wada shaqeyn buuxda, waxaan kaloo weydiisannay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inaan la fariisanno oo aan u sharaxno is faham waaga aas aaska ah iyo halka uu ka jiro, gaar ahaan sida kooxda kormeerka ee Qaramada Midoobay u tarjuntay arrinta la xiriirta heshiiska kobcinta awoodda ee aynu la galnay dowladda Soomaaliya”

Waxaa la weydiiyay Maareeyaha sababta shirkadooda ku kalliftay in qarash badan ay siiso wasaaradda Batroolka ee dowladda Federaalka iyo sidoo kale in ay shaqaaleysiiso Qareen u dhashay dalka Canada.

“Heshiiskaas kobcinta awoodda ah waa wax iska caadi ah oo ay sameystaan shirkadaha inala midka ah ee shidaalka iyo kuwa kaleba, waayo wasaaradda Batroolka Soomaaliya malahan kaabayaashii ay u baahneyd, si ay u fuliso howsha ay dowladda u dirsatay, marka heshiiska waxa uu ahaa midaan qarash ku siinnay dowladda, si qarashkaasi ugu isticmaasho sidii ay u qoran lahayd dad wasaaradda kala shaqeeya howlaha maamulka iyo wadista shaqada, wasaaraddu waxay sidoo kale lahayd oo ay shaqaaleysiisay tan iyo sanadkii 2006-dii qaar ka mid ah qareenada ugu cad cad dunida ee dhinaca shidaalka, waxaana qeyb ka ahaa in dowladda ay kaalmo na weydiisato sidii ay isaga bixin lahayd mushaarka qareenada noocaasi ah” ayuu yiri Bob Sheppard

Waxaa jiray warar sheegaya in heshiiska Soma Oil And Gas ay la gashay dowladda Federaalka ay wax badan ka qaldanyihiin, sidoo kalena aysan Soomaalida faa’ido badan ka helayn, hadaba su’aal arrintaasi la xiriirta ayaa la weydiiyay maareeyaha shirkaddaan.

“Waxay ila tahay in warbixinta aad soo xiganeyso inkastoo aan si toos ah u arag aan ka faaloon karin, waayo ma ahan mid sax ah, waxaanse qabaa in heshiiskaani uu ahaa kii ugu wanaagsanaa oo noociisa ah, oo ay dowladdu la gasho shirkad shidaal, marka intaan ogahay waxaan hayn kama faaloon karo”

Waxaa jiray sidoo kale warbixinno sheegaya in shirkadda Soma Oil And Gas ay abuurtay hay’ado gaar ah oo dhanka ammaanka ah, ayna macquul tahay qaarkood iyaga la shaqeeya inay ku lug yeeshaan falalka Burcadbadeedka, waana Bob Sheppard  uu ku jawaabay

“Ammaanku waa muhiim, markasto oo aad ka howlgalayso meel Soomaaliya oo kale ah, waxaana laga yaabaa in qeyb ka mid ah howshaasi ammaanka ay ku lug leedahay dhinaca xeebaha, laakiin inta badan halka aan ka howlgaleynaa waa bariga, marka ammaanka waxa uu ahaa waxa durbadiiba markii aynu heshiiska galnay aanu diiradda saarnay, Seddax Shirkadood ayaana howsha amaanka heshiiskaan ku lug yeeshay kuwaasi oo kala ah, Solace, Salama Fikira iyo Peace Bossiness Group, shirkadda Solace waa shirkadda ugu weyn ee ka shaqeysa ee dhinaca amaanka badaha ee dunida, Salama Fikira waa shirkad ka shaqeeysa ammaanka gobalka iyo Peace Bossiness Group waa shirkad Soomaaliyeed oo gaar loo leeyahay, gacanna naga siinaysa ammaanka xeebaha, waana shirkadda hay’adaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay kala shaqeysa ilaalinta xeebaha iyo ammaanka Soomaaliya, marka sidaas ayaan u daneynay inaan la heshiinno shirkadahaan si ay inooga caawiyaan ammaanka meelaha aan ka howlgaleyno”

Shirkadda Soma Oil iyo Gas waxaa ku socda dacwadda la xiriira musuq la xiriira heshiiskii ay la gashay dowladda Federaalka ah, sidaa darteed waxaa maareeyaha la su’aalay qanacsanaanta ay qabaaan ka shirkad ahaan in dacwadaasi la hakiyo hadii ay ahaan UK iyo dunida inteeda kale.

“Waxaanu si buuxda wada shaqeyn ugu muujineynaa xafiiska baarista musuq maasuqa ee UK, si natiijo degdeg ah ay baaristooda uga soo baxdo, waxaanu siinaynaa xog walba oo ay u baahan yihiin si xalkaasi loo gaaro”

Ugu dambeyn Bob Sheppard oo ah maareeyaha shirkadda Soma Oil And Gas ayaa la weydiiyay faa’idada ugu jiri karta shacabka Soomaaliyed howshaan baarista ah ee ay wadaan.

“Waxay ila tahay in billaabidda iyo dib u kicinta qeybta Saliidda iyo Gaaska Soomaaliya ay siyaabo dhowr ah muhiim u tahay, Tan Koowaad, sida aan meelo kale ka aragnay hadii qeybta Saliidda iyo Gaaska lagu guuleysto waxay keenaysaa Daqli badan oo dalka uu helo, iyadoo sidoo kale shaqo abuureysa, waxaan u maleynayaa in madaxweynaha uu yiri waxyaabaha ugu waaweyn xasiloonida keenaa ay yihiin dhaqaale iyo shaqooyin la helo, kani waa ganacsi muddo dheer qaadanaya, waa mashruuc 30 ilaa 40 sano jiraya, marka waxa uu fursad u yahay qofka Soomaali ah iyo dowladda intaba”

Shirkadda Soma Oil And Gas waa shirkadda laga leeyahay dalka Britten waxaana shaqadeedu tahay baarista shidaalka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Shidaal