U bood dhigaalka

Shirkado Gaar Ah Oo Magaalada Muqdisho Ka Billaabay Maareynta Qashinka

Sheeko:Dalka

Muqdisho waxaa  ka jira shirkado dhowr ah kuwaasi oo ka shaqeeya Nadaafadda iyo soo celinta bilicda goobaha kala duwan sida xarumaha waxbarashada, Isbitaallada, suuqyada, hoteellada iyo guryaha.

Waxaa shirkadahan ay yihiin kuwo ay furteen ganacsato islamarkaana ogolaanshiyo ka haysta dowladda Hoose ee xamar .

Gareen Life  waa shirkad si gaar ah loo leeyahay oo ka shaqeysa  howlaha Nadaafadda taasi oo ka hawlgasha illaa 4 degmo oo ka tirsan  gobolkani  Banaadir.

Nuur Aadan Ibraahim waa maamulaha guud ee shirkadaas Waxa uu Goobjoog News u sheegay ay si bilaash ay uga shaqeeyaan Nadaafadda  waddooyinka taasi oo ku timid is afgaradka dhexmaray Maamulka Gobolka iyo shirkadaha ku hawlan nadaafadda  .

Shaqadan Nadaafadda waxaan bilawnay dhowr sano ka hor waxaynu bedelnay qashinkii godadka dadka ay ku duugi jireen oo magalada aan u wanaagsaneyn waxan ka shaqeynaa  xarumaha waxbarashada isbitalada suqyada hotelada  iyo guryaha

Shirkadaha ka shaqeeya hawlaha Nadaafadda ayaa qashinka ay qaadaan waxay ku daadiyaan meelo u dhaw badda sida Jasiira iyo duleedka degmada Karaan  sida uu u sheegay Goobjoog Nuur Aadan Ibraahim .

“  Gaadiidka shirkadeena iyo kuwa nala mid ka ah ee nadaafadda ku hawlan waxaa jira meelo naloo sameeyay oo qashinka aan geyno  lagu gubo  maamulka  gobolka banaadir ayaana  nagu kormeera”

Xuseen Abtidoon oo ah agaasin  ku xigeenka waaxda nadaafadda gobolka Banaadir aan weydiinay  sida qashinka goobahaasi lagu shubo ay u maareeyaan  iyo sida looga taxadaro caafimaadka qashinka maadaama  meel aan ka fogeyn Magalada lagu shubo.

“Qashinka marka lagu soo shubo Jaasira iyo meel kale oo ku yaalla degmada Karaan waan gubnaa si aan uga taxadarno cafimaad darrida ka imaan karta”                               

Agaasime ku xigeenka waaxda nadaafadda maamulka gobolka Banaadir waxa uu sidoo kale uu sheegay in shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda  ay ka saacidaan  sidii bilicda magalada ay u soo noqon lahayd hormarna ay u sameyn lahayd.

Shirkadaha ka shaqeynaya nadaafadda waa kuwa uu ogyahay maamulka gobolka waxayna naga saacidaan qaadida qashinka waddooyinka la soo dhigo  wadashaqeyn wanaagsan ayaan leenahayayuu yiri Xuseen Abtidoon

Dhanka kale waxaa jira   haween iyo carruur taga meelaha la geeyo qashinka si ay u helaan waxyaabo ka mid ah qashinka   sida caagadaha iyo baakadaha kuwaasi oo ay dib u sii iibsadaan.

Dhaqtar Yaxye Abduqadir Shoole ayaa sheegay qashinka magaalada oo aanan si wanaagsan loo maareyn inay dhalin karaan dhibaatoyin  caafimaad  waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro qashinka sida midka cisbitaalada iyo qashinka guryaha ama meelaha kale ee bulshada laga qaado.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Dr Yaxye Cabduqadir Shoole in mas’uuliyad ay arrintan ka saaran tahay dowladda hoose iyo waaxda caafimaadka inay ka hor-tagaan dhibaatada caafimaad ee ay dhallin karto qashinka.

”Waa muhiim in laga hortago waxyabaha caafimaadka bini ‘aadamka qatarta ku ah qashinka waa halis haddii aanan si wanaagsan loo maareyn isaga ayaana u baahan in la kala saaro sida qashinka isbitaallada oo halis badan leh loona bahanyahay si ka duwan qashinka kale in loo maareeyo “

Xilliyada qaar goobaha qashinka la geeyo waxa lagu soo daadiyaa  raashin dhacay oo ay keenaan ciidamada AMISOM dadkana ay qaataan arrintaan ayaa waxaa  walaac ka muujisay waaxda nadaafadda gobolka Banaadir taasi oo sababi karta caafimaad darro.

W/D: Cabdiwahaab Maxamed Ibraahim

Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News