U bood dhigaalka

Shirkii Afhayeenada Baarlamaanada maamul goboleedyada Dalka Oo Muqdisho Ku Soo Xirmay & Qorshe La Isla Meeldhigay

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan looga Arrinsanayo Arrimaha dib u eegista Dastuurka ayaa magaalada Muqdisho uga bilowday 17 Febraayo Afhayeenada maamul goboleedyada dalka iyo Guddoonka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulamadan oo socday muddo 5 cisho ah ku dhawaad ayaa looga arrinsanayay arrimaha dib u eegista Dastuurka iyo wadatashiga dhawaan ka bilaaban doona gobollada dalka guud ahaan.

Haddaba kulamada ayaa maalintii Axadda lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo uu kulanmada garwadeen ka ahaa guddomiyaha baarlamaanka federaalka Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay munaasabaddii shirka lagu soo gabagabeynayay ayaa sheegay in ay qorshe isla meel dhigeen, kaas oo u kaasbsan qaabka wadatashi ee looga talagelinayo maamul goboleedyada dalka arrimaha dib u eegista dastuurka iyo in guddiga dib u eegista dastuurka ay tegi doonaan maamullada dalka iyagoo ay la socdaan degaan kasta xildhibaanada federaalka u matala, waxaanuu ballanqaaday inuu wada shaqeyn joogto ah la yeelan doono baarlamaanada maamul goboleedyada dalka.

Waxaa xusid mudan in shirarka Muqdisho ka socday ee arrimaha dib u eegsita dastuurka ay ka maqnaayeen maamul goboleedka Puntland oo maalintii shalay ka soo saaray bayaan cad oo ay uga soo hor jeedaan qaabka ay wax u socdaan isla markaan ay ku tilmaameen mid aaney ku qanacsaneyn, sidaa daraadeed waxaan la ogeyn wadada uu baarlamaanka iyo DFS ay u mari doonaan qancinta Puntland si ay uga qeyb qaataan tala soo jeedinta arrimaha wax ka bedelka dastuurka.

Baarlamaan4 Baarlamaan3 Baarlmaan2 Baarlamaan1