U bood dhigaalka

Shirkii Baarlamaanada Carabta oo looga hadlay Qodobbo Khuseeya arrimaha Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka ayaa ka warbixiyay shirka baarlamaanada Carabta oo ay uga qeybgaleen magaalada Qaahira iyo ajandayaashii ay shirka la tageen.

Xildhibaanka ayaa ka mid ah 4 xubnood oo baarlamaanka Federaalka u matala baarlamaanada Carabta oo 3 biloodba mar shir ku yeesha xaruntooda magaalada Qaahira.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn Goobjoog News uga warbixiyay shirka iyo mudadii uu socday, waxaanuu yiri:-

“Shirkan waa shirkii baarlamaanada Carabta oo 3 bilood oo kasta ay iskugu imaan jireen shir ama kalfadhi caadi ah, ajandayaal waxaa looga hadlay khuseeya guud ahaan dunida Carabta oo Soomaaliyana ay qeyb ka tahay, wixii meesha looga hadlay siyaasad ahaan iyo amni ahaan iyo bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba waxaan ku lahayn kaalin, waxaanuu socday 4 maalmood waxaa la soo gabagabeeyay Isniintii oo uu soo xiray guddoomiyaha baarlamaanka Carabta Axmed Maxamed Al-Jarwan”.

Xildhibaanku waxa uu tilmamay in ajandayaasha qaar la isku diidanaa, laakiin Soomaali ahaan ay la tageen ajandihii loo baahnaa, isla markaana ay mar kasta daba taagnaayeen sidii loo fulin lahaa ballan qaadyadii hore ee Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen, dhismaha Ciidamada, ku taageeridda Soomaaliya sidii looga qaadi lahaa  cunaqabteynta Hubka, iyo waliba xoojinta dib u dhiska iyo maalgashiga Soomaaliya.

Xildhibaanku waxa uu hoosta ka xariiqay iney kala hadleen baarlamaanka Carabta xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa, garabna ay uga geysan lahayd Jaamacadda Carabta.

Xildhibaanka ayaa si gaar ah u tilmaamay in safaaradaha Soomaaliya ee dibadaha uu aad u dhaliilayo shaqaale aad u farabadan oo jooga iyo waxqabad la’aan, kaalintoodii shirarka Caalamiga ah ee Soomaalidu ka qeybgasho uu meesha ka maqan yahay.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa ka warbixiyay xaaladda Soomaalida dalka Masar iyo in dhallinyaro badan ay ku soo qulqulayaan oo waliba kuwii Masar wax ka baranayayna saameyn ku yeeshay, iyadoo dhallinyaradaas intooda badani u socda Tahriib, waxaanuu tilmaamay in arrinkaasi khatar badan ay ku tahay dhallinyaradii waxbarashada ka heli jiray dalka Masar oo laga yaabo in gabi ahaanba la joojiyo, iyadoo sanad kasta 200 oo arday waxbarasho lacag la’aan ah ka hela dalka Masar.

Xildhibaan Dalxa waxa uu dhacdadii dhawaan ee dhallinyarada Soomaalida ku halligantay Badda ku tilmaamay mid musiibo ah, waxaa loo baahan yahay, ayuu yiri; in joojinta dhallinyarada la iska kaashado, dowladda Masarna in kaalinta ay qaadan karto gacanna lagu siiyo.

Goobjoog News