U bood dhigaalka

Shirkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo u Baaqday Codsi Uga Yimid Madasha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta lagu waday inuu ansixiyo Sharciga doorashada dadban ayaa shirkiisii dib loo dhigay muddo labo cisho ah, shirar u socda Madasha wadatashiga Qaranka oo ku saabsan arrimaha doorashda awgeed.

Shirka baarlamaanka, ayaa inta aan lagu kala dareerin, waxaa Goobjoog ahaa 197 xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xubnaha baarlamaanka ayaa lagu waday iney doodii u socotay ee sharciga doorashada dadban halkeeda kasii wadaan oo ay ansixiyaan, laakiin shirku waxa uu  hakaday kadib markii uu guddoomiyaha baarlamaanku codsi u jeediyay xubnaha uu ka dalbanayo in labo maalmood fursad la siiyo; si ay u suurto gasho in talada loo badsado, maadaama uu sharcigani yahay mid aad u muhiim ah.

Guddoomiye Jawaari waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan rabaa inaan xildhibaanada u soo jeediyo in arrintani ay tahay arrin masiiri ah oo aad muhiimad gaara u leh ummadda iyo dalkeena si aan uga badbaadin lahayn dhibaatooyin kale waxay igula habboonaan lahayd, sida ay xildhibaanadu qabaan waan u wada jeednaa, waxaan ku talinayaa inaan ku degdegin oo aan u tala ballaarsano, qolooyinkii kale oo talooyinka nala wadaagay  wey fadhiyaan, waxay naga codsadeen in muddo ah arrimo ay ka shaqeynayeen inaan fursad u siinno, maanta illaa barito, si wixii aan ku wada midoobi karno aan u gaarno, markaa maanta aan shirkeenna dib u dhiganno illaa barito, inaad sidaa igu raacdaan ayaan jeclahay”.

Markii uu guddoomiyuhu hadal jeedintiisa dhameeyay  ayaa waxaa isla markiiba soo xirmay shirka oo lagu kala dareeray.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 30 April waxaa loo gudbiyay hanaanka doorashada 2016, iyadoo wali laga sugayo iney ansixiyaan hanaanka doorashada , si loogu gudbo diyaar garowga doorashada soo aaddan.

Goobjoog News