U bood dhigaalka

Shirkii Dhuusamareeb 3 oo Dib u Dhacay, Akhriso Sababaha!

Sheeko:Amniga

Warar rasmi ah oo ay heshay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey in uu dib u dhacay shirkii looga arrinsanayey danaha doorashada Soomaaliya ee ka dhici lahaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirkan  oo loo yaqaanno Dhuusamareeb 3, laguna waday inuu furmo 15-ka bishan, oo ay ka harsan tahay uun wax ka yar 48 saac ayey hawlwadeenno kala duwan oo Galmudug ah noo sheegeen in aaney bilaaban qaban-qaabadiisu, isla markaana uu dib u dhici-doono.

Sababaha uu shirka Dhuusamareeb dib ugu dhacayo waxaa ka mid ah:

Qalalaasaha siyaasadeed ee DF:  Intii lagu guda jiray Dhuusamareeb 2 ayuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka dalbaday dowlad goboleedyada in la siiyo waqti uu kula soo tashto baarlamaanka federaalka ah, tashigiina waxaa uu noqday in la ceyriyo ra’isul wasaare Xasan Kheyre, lana magacaabo sii haye iyo xukuumad sharci ahaanteeda buuq ka jiro, taasi oo keentay in dalka uu galo qalalaaso siyaasadeed iyo kala shaki dhexmaray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, tiiyo weli aan xal laga gaarin.

Guddiyo Farasmo oo Muran Galay: Shirkii Dhuusamareeb 2 waxaa lagu heshiiyey in guddiga farsamo ay  noqdaan mid 2 xubn oo dowlad goboleedyada ah iyo 3 xubin oo dowladda federaalka ah. Laakin dowladda federaalka waxaa ay magacawgay 6 xubin, oo 4 hey’adaheeda ah iyo 2 xubin oo gobolka Banaadir ah.

Puntland iyo Jubbaland oo Qaadacay Shirarka Guddiyada: Waxaa kale oo shir aan rasmi aheyn oo Muqdisho uga socday xubnaha guddiga farsamada diiday iney ka soo qeybgalaan guddiyada farsmo ee Puntland iyo Jubbaland iyaga oo ku doodaya in aaney jirin xukuumad federaal ah oo arrimahan kala shaqeeyaan.

Ajende La’aan:  Mar haddii guddigaya aaney kulmin, oo kuwa isku yimidna aaney gelin shir rasmi ah waxaa adkaatay in la dejiyo ajendaha rasmiga ah ee shirka, taasi oo u baahan waqti iyo wadar ogol dhinacyada kala duwan ah.

Arrimahaas iyo qaar kale oo jira ayaa waxaa ay xataa hummaag gelin karaan guud ahaan qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3.

Goobjoog News