U bood dhigaalka

Shirkii Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Oo Ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ka furmay shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo arrimo muhiim ah.

Inkastoo aan shirkaan lasoo bandhigin ajendihiisa, ayaa hadana wararka waxay sheegayaan in hadda uu yahay furitaan oo kaliya, gelinka dambe ee maantana si rasmi ah loo guda galayo ajendaha shirka.

Waxaa ka qeybgalaya shirkaan madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, madaxda 5-ta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa lagu wadey inuu shalay furmo, hase ahaatee dib ayuu uga dhacay, maadaama madaxda maamul goboleedyada ay illaa gelinkii dambe ee shalay soo gaarayeen Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News