U bood dhigaalka

Shirkii Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada oo Maalinta 2-aad Galay, Maxaa La Isku Hayaa?

Sheeko:Amniga

Waxaa maalintii 2-aad galaya shirkii ka socday Villa Somalia ee u dhaxeeyey dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo ay u dhan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor, Hirshabelle Maxamed Waare, Koonfur galbeed Cabdicasis Lafta-gareen, Jubbaland Axmed Madoobe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa lagu waramayaa in lagu gorfeynayo natiijadii Dhuusamareeb 3.

Qodobada miiska saaran waxaa ka mid ah:

Mustaqbalka guddiga doorashada: Maamul goboleedyada qaar ayaa ku doodanay in maadaama ay doorashadani tahay mid dadban aan loo baahneyn guddiga doorashada qaranka ee Xaliimo Yarey, arrintaas oo Villa Somalia diidan tahay.

Tartanka Xisbiyada: Maamul goboleedyada qaar ayaa ku doodaya in doorashadan 2020/2021 aan lagu geli karin qaab xisbiyo ah mar haddii aaney jirin isdiiwaangelin rasmi ah, arrintaas oo sidoo kale Villa Somalia diidan tahay.

Goobaha Doorashada: Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku doodeysa in la badiyo goobaha doorashada oo ugu yaraan 4 ahaan maamul goboleed kasta, laakin maamullada qaar ayaa ka digaya amni darro.

Kaalinta Dowlad Goboleedyada: Dowlad goboleedyada qaar ayaa arka in Dhuusamareeb 3 la dhimmay awoodda dowlad goboleedyada taasi oo aan sax aheyn sida ay qabaan.

Maaliyadda Doorashada: Villa Somalia waxaa ay dooneysaa in maaliyadda doorashada loo dhiibo guddiga doorashada qaran laakin dowlad goboleedyada ayaa qaba in iyagu ogyihiin duruufaha maamulkooda ee amni iyo dadba, isla markaana ay tahay iney iyagu maamulaan qoondadooda.

Arrimahan iyo qaar kale ayaa miiska saaran, lamana oga cidda ay tahay iney tanaasusho.

Goobjoog News