U bood dhigaalka

Shirkii Farmaajo iyo Rooble oo Natiijo La’aan ku Dhamaaday

Sheeko:Amniga

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in maanta markii ugu horeysay ay si fool-ka-fool xiisaddii ugu dambeysay ugu wada hadleen Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Rooble.

Warar xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in shirkan oo albaabada xirnaa, aanu kasoo bixin wax natiijo ah oo ku saabsan qodobada horay la isku heystay, waxaase la isla ogolaaday in guddi la saaro, oo laga shaqeeyo isu soo dhowaanshiyo, is afgarad iyo war Murtiyeed.

Farmaajo ayaa u muuqda inuu weli ku adjeysanayo magacaabista taliyaha NISA iyo isaga oo sidoo kale diiday inuu ogolaado maxkamadeynta saraakiisha NISA ee lagu tuhmayo kiiska Ikraan Tahiil halka Rooble uu ku adkeysanyo inuu mas’uul ka yahay marxaladda kala guurka.