U bood dhigaalka

Shirkii Golaha Amniga Qaranka Ee Baydhabo Oo U Baaqday Sababo ….

Sheeko:Dalka

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta lagu madalsanaa in uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee koonfur galbeed ayaa u baaqday sababo aan la shaacin.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa yiri “Shirka amniga qaranka wuu baaqday, dib ayuu dhacay, laakin faah faahin kuma siin karo”.

Golaha Amniga Qaranka ayaa war muriyeed ka soo baxay kulankoodii Lixaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, 6-10 Feebaraayo 2018 ku shaaciyay

“Madaxda qaranku waxay isku raaceen in shirka soo socda lagu qabto magaalada Baydhabo 28-ka bisha Maarso, 2018 loogana heshiiyo qaybsiga khayraadka oo dhammaystiran, iyo hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo sannadka 2020-ka”.

Madaxda qaranku isla shirkaasi waxaa kale oo ay isku raaceen in la dardar geliyo go’aan ka gaarista arriaha masiiriga ah ee horyaalla sida, awood qaybsiga, hannaanka garsoorka federaaliga ah, midaynta hannaanka dakhliga, nidaamka dawladeed ee dalku yeelanayo iyo maqaamka caasimadda Muqdisho.

Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey”  oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan oo doorashooyinka qaranka oo maanta ay aheyd in ay gudbiso nooca doorasho ee 2020-ka ayaa Goobjoog News u sheegtay in aaney ogeyn sababta shirka u baaqday balse dhankeeda ay diyaar aheyd.

Goobjoog News