U bood dhigaalka

Shirkii Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab Iyo Arrimo Kale

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Kulankan ayaa ugu horeyn warbixin looga dhegeystay Wasaaradda Gaashaandhigga taasoo faah faahin ka bixisay howlgalada ay wadaan ciidanka Xooga Dalka ee looga sifeynayo kooxaha nabadiidka Al shabaab degaamada fara ku tiriska ah ee ay kaga harsan yihiin gobolka Sh/dhexe, waxayna xustay inay ka sifeeyeen caddowga degaano fara badan, ayna sii soconayaan illaa laga xoreeyo dhamaamba degaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale, Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ayaa soo bandhigtay xog uruurin Shidaal oo ay sameysay shirkad lagu magacaabo Spectrum ASA, taasoo ka sameysay dhul badeedka koofurta Soomaaliya.

“Dhul badeedka xogta laga aruuriyay waxay tiradiisu gaareysaa 20,582.75 KM, xogtaan cusub waxa ay kaabi doontaa xog badeed hore oo dhan 20,000 KM taas oo la soo aruuriyay 2014. Labada xog axay sahlayaan in daraasad gun fog lagu sameeyo rajada shidaal ee ku jirta badda Soomaaliyeed.

Wasiirka Badroolka oo arrintan sharaxayay ayaa xusay in 7 ruux oo bartay cilmiga Geology (geo-scientists) ayaa ka qeybgalay xog uruurinta kuwaas oo tababar lagu siiyay sida maraakiibta xogta u uruuriyaan, isla markaana dadka tababarkaan la siiyay inay aadi doonaan Qaahira, Masar si loo baro sida loo fasiro xogta.

Ugu dambeyntiina, Wasaaradda Qorsheynta ayaa golaha u soo bandhigtay Qabyo qoraal ku saabsan Qorsheynta Qaranka, waxaana Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshaha Qaranka, kaasoo ka duwan qaabkii hore ee loo diyaarin jiray, waxaana Wasaaradu ay hoosta ka xariiqday in qorshahani uu koobayo dhamaamba baahiyaha kala duwan ee hay’addaha dowladda Federaalka iyo dowladd goboleedyada.

–DHAMMAAD–