U bood dhigaalka

Shirkii Madasha Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii madasha Wadatashiga qaran ee ka billowday magaaladaasi 22-kii bishan.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa looga hadley arrimo la xiriira doorashooyinka 2016, Dastuurka, ammaanka iyo qoondada haweenka ee dowladda cusub.

Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in saxaafadda loo soo gudbiyo war-muriyeedka shirka madasha Wadatashiga qaran.

Waxyaabaha ay madaxdu ka hadashay waxaa ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka Soomaaliya inay ahaadaan odayaashii 135 ahaa, kuwa dhintayna lagu bedalo Odayaal cusub.

Madaxdii ka qeybgashay shirkan ayaa dhammaantood dib ugu laaban doono magaalooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News