U bood dhigaalka

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran Oo Lasoo Gabagabeeyay Iyo War-murtiyeed Laga Soo Saaray

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirka madasha wadatashiga qaranka, kaasi oo soo billowday Axadii aynu kasoo gudubnay.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana diiradda lagu saaray shirkan arrimaha ku aadan doorashooyinka dalka ka dhaci doona.

Hadaba gabagabada shirkan waxaa lasoo saaray War-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii la’isku afgartay iyadoo qodoboda madaxdu isku raacday ay ka mid yihiin arrimo la xiriirta doorashooyinka iyo qaabka loo soo xulayo xildhibaananda baarlamaanka.

Waxaa la isku raacay in la dhisi Labo guddi oo kala ah Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer qaran iyo guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed, waxayna ka kala imaan doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Guddiga doorasho ee qaran ayaa la isku raacay inuu ka koobnaado 17 xubnood, kuwaas oo ay 5 xubnood soo magacaabayso dowladda Federaalka Soomaaliya halka maamul goboleedyadana soo magacaabi doonaan mid walba 2 xubnood.

Guddiga doorasho ee heer maamul goboleed ayaa la sheegay in midkiiba uu ka koobnaan doono 11 xubnood, 8 ka mid ah waxaa soo magacaabaya dowlad goboleedyada halka Seddax kamid ah ay soo magacaabi doonto dowladda Federaalka.

Waxaa war-murtiyeedka lagu sheegay in Labadan guddi la dhisi doono sida ugu dhaqsiyaha badan una guda geli doonaan dhammaan howlaha diyaargarowga iyo fulinta doorashooyinka.

Aqalka Sare

Dhismaha aqalka sare ee golaha shacabka qaran waxay isku raaceen xubnaha Madasha wadatashiga inuu ka horreyn doono doorashooyinka aqalka hoose.

30% kuraasta aqalka sare ee dowlad goboleedyada iyo kuwa dhismaya waxaa si gaar ah loogu qoondeeyay haweenka tartamaya.

Codeynta xubnaha aqalka sare ee golaha shacabka ee qaran waxay isku raaceen in si siman oo isku maalin ah uga dhacaan dhammaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Aqalka Hoose

Dhimsha aqalka hoose ayaa la sheegay in liiska Oday dhaqameedyada 135 ah ay saldhig u noqon doonaan hannaanka doorasho ee aqalka hoose, dib u eegisna lagu sameyn doono liiskaasi, kuwii dhintay boosaskoodii la bedali doono kuwa muranka uu ku jirana la sixi doono.

Musharax kasta oo u taagan aqalka hoose waxaa la isku raacay inay soo doortaan ergo doorasho oo ka kooban 50 cod-bixiye, wadarta ergada doorashaduna waxay noqoneysaa 13,750 (Seddax iyo Toban Kun Todoba Boqol iyo Kontan) ergo doorasho.

Qodobada ay isku fahmeen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada waxaa ka mid ah in 10 illaa 20-ka bisha May 2016 magaalada Garoowe lagu qabto shirka dastuurka qaran kaas oo ka horreyn doona kulan ay madaxda Madasha ka yeelan doonaan arrimaha Dastuurka.

Halkaan hoose ka akhriso War-murtiyeedka oo dhameystiran

001

002

003

Goobjoog News