Shirkii Madaxda Africa Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Waxaa lagu wadaa maanta in magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyo shir madaxeedka dowladaha xubnaha ka ah ururkaasi.

Shirkaan oo shalay furmay waxaa ayaa hoggaamiayaha sanadlaha ah ee ururkaasi waxaa loo doortay madaxweynaha dalka Masar, C/fitaax Al-siisi, wuxuuna xilkaasi kala wareegay dhiggiisa dalka Rwanda.

Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha ku aaddan ammaanka, qaxootiga, suuqa xorta ah ee Africa, iskaashiga guud ee dalalka Afrika iyo maalgashiga.

Mar uu hadlay guddoomiyaha cusub ee Midowga Africa, ahna madaxweynaha Masar ayuu ku dheeraaday ka hadlka arrimaha amniga, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay in dalalka Afrika laga ciribtiro argagaxisada.

Madaxdii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa intooda badan ka hadlay qataraha Al-shabaab iyo Daacish.

Waa shirkii 32-aad ee madaxda Afrika yeeshaan, iyaga oo kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee qaraaddan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW