Shirkii Odayaasha Dhaqanka Ee Ka Socday Qardho Oo Lasoo Gabagabeeyay

Magaalada Qardho waxaa lagu soo gabagabeeyay shir ay lahaayeen ku dhawaad 100 Oday dhaqameed oo isaga kala yimid qaar ka mid ah gobollada dalka, loogana hadlayey arrimo dhowr ah oo dalka ku saabsan.

Shirkan waxaa gogoshiisa fidiyey Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana si wadajir ah Odayaasha ugu baaqeen in la joojiyo guud ahaan dagaallada sokeeye.

Waxay sidoo kale Odayaashan kulankoodan ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan inay ka shaqeenaa nabadda iyo midnimada.

Odayaasha dhaqanka ayeey sheegeen inay yihiin hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in umadda ku hogaamiyaan cadaalad, sinnaan iyo nabad.

Shirkan ayaa Seddax maalin ka soconayey magaalada Qardho, waxaana ulajeedkiisu ahaa sidii ay dhaqanka Soomaaliyeed isku wareysan lahaayeen.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW