U bood dhigaalka

Shirkii Odayaasha Hiiraan Iyo IGAD Uga Socday B/weyne Oo Natiijo La’aan Ku Dhamaaday

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray wafdi ballaran oo ka socday Ururur goboleedka IGAD, waxaana ay la kulmeen waxgaradka Hiiraan gaar ahaan kuwa dhaliilsan shirka Jowhar.

Waxaa hoggaaminayey wafdigan ergayga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, waxaana kulan saacado qaatay ay la yeesheen wagaradkan.

IGAD ayaa waxgaradkaan hor dhigtay in ay ka qeybgalaan shirka Jowhar si loo dardar geliyo dhismaha maamulka Hiiran iyo Shabellaha Dhex.

Waxgaradka ayaa iyaguna shuruudo hordhigay IGAD waxaana waxyaabaha ay waxgaradku dalbadeen kamid ah in Labo loo qeybiyo gobolka Hiiraan.

Wadahadal dheer kadib Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa qabsaday Shan maalin oo wadatashi kusoo sameeyaan, waxaana kulankii maanta uu noqday mid aanay wax natiijo ah kasoo bixin.

Goobjoog News