U bood dhigaalka

Shirkii uu Ku Baaqay Farmaajo oo Fashilmay

Sheeko:Amniga

Waxaa Axaddii Villa Somalia ka dhacay shir ay dowladda federaalka ah ku sheegtay horudhac kaas oo ay kasoo qeyb galeen maamul goboleedyada taageera Farmaajo ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha Banaadir.

Shirka halka dhinac ah, waxaa uu imaanayaa xilli ay qaadhaceen madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Deni.

Maamulka Jubbaland oo qoraal kasoo saaray sababta ay shirka Farmaajo ku diideen ayaa waxaa ay ku sheegeen:

  1. Iney raalli-gelin ka bixiso tallaabooyinka gurracan ee ay u geysatay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo saamileyda
  2. In la isugu yimaado shir ay kasoo qeyb galaan saamileyda
  3. In goobta shirka ka dhacayo noqoto mid amnigeeda lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeedana lahaato beesha caalamka
  4. In la helo dammaanad qaad ah fulinta shirkaas
  5. In madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo ka dhex baxo hannaanka doorashada si kalsooni u helaan saamileyda

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xalay la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa shirka ku xiray labo sharci

  1. In amniga lagu kalsoonaan karo
  2. In Puntland ay ogtahay miraha wax laga hadlayo

Arrimahan ayaa dhacaya kahor shirka golaha ammaanka ee Soomaaliya iyo ka digista beesha caalamka ee ahaa in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hal dhinac ah ama isbarbar socda.

Goobjoog News