Madaxweyne Xasan Iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Ku Dhawaaqay Xilliga Ay Billaabanayaan Wadatashiyada Hanaanka Doorashada 2016

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqey in bishan 20-keeda ay magaalada Muqdisho ka bilaaban doonaan kulamada wadatashiga hanaanka doorashada iyo aayaha siysaasadeed ee Soomaaliya ee sannadka 2016.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankaasi kaga dhawaaqey magaalada Kismaayo, kadib kulan gaar ah oo wadatashi oo dhex marey madaxda qaranka iyo madaxda maamullada Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas.

Kulankaasi ayaa madaxda waxay isku afgarteen in maadaama waqtiga harey uu yar yahay, hawlo badanna ay waddanka horyaalaan loo baahan yahay dardar-gelinta qorshaha siyaasadeed ee dalka oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed laga qeybgelinayo.

—DHAMMAAD—

Daud Aweis

Related Articles

46 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW