U bood dhigaalka

Shirkii Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo Qodobo Laga Soo Saaray

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo dhawaan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegey in shirkii magaalada Garoowe oga socdey xukuumadda federaalka iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland la’isku waafaqay qodobo dhawr ah.

Sida ku cad war saxaafadeedka , qodobada ayaa waxaa ka mid ah in dowladda federaalka ay fidiso gogol dib u heshiisiineed oo ummadda Soomaaliyeed loo dhigo si waxyaabaha wali sii jirjira looga heshiisyo.

Waxaa kale oo qodobada ka mid ah in la wada illaaliyo dastuurka, wax kasta oo la qabanayana laga tixraaco sida uu dastuurka qabo.

Hoos ka akhri war murtiyeedka oo dhameystiran.

df iyo maamul goboleedyada