U bood dhigaalka

Maxaa Dib Loogu Dhigey Shirkii Wadatashiga Kismaayo ?

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah oo ay Goobjoog ka heshey shir maanta ka furmey magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in la’isku afgaran waayay hore u wadista shirka, lana go’aamiyey in dib loo dhigo shirka muddo todobaad ah sidii aan horey usoo tabiney.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Cabdiqani Jaamac ayaa warbaahinta u sheegey in shirka ay ahayd in looga hadlo labo qodob oo kala ah in looga wadahadlo sidii wax la yeeli lahaa sanadka 2016-ka iyo qodobka labaad oo ahaa sidii loo dhameyn lahaa waxyaabo yaryar oo u dhaxeeya maamul goboleedyada.

“Puntland waxay tiri kaliya waxaan u nimid ka qeybgalka caleemo-saarka , 7 maalmood ayaa la balamay” ayuu Cabdiqani oo sheegey in Muqdisho ama meel kale la’isugu tagi doono.

Magaalada Kismaayo waxaa ka dhoofey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, madaxweynaha Galmudug, balse waxaa Kismaayo ku haray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid.

Sidii horey loo ogaa Puntland waxa ay diidanayd in ay aqoonsato Galmudug oo lagu saleeyey gobol iyo bar, halka dastuurka uu dhigayo labo gobol iyo wixii ka badan, sidoo kale waxaa muran u dhaxeeyey Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo isku hayay baarlamaanka Jubbaland.

Lama oga in shirka ay ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ku dhawaaqeen in laga soo wada qeybgali doono.

Goobjoog News