U bood dhigaalka

Shirmadaxeedka Mareykanka Iyo Kuuriyada Waqooyi Oo Dhowaan Dhacaya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in mas’uuliyiin Mareykan ah  ay wadahadal la sameeyeen  mas’uuliyiin kale oo ka socday dhanka Kuuriyada Waqooyi, si loogu gogal xaaro shirmadaxeedka labada dhinac.

Trump ayaa tilmaamay in wadahadalkan uu ahaa mid toos ah aadna u sarreeya heerkiisa, hadalkan ayuu madaxweynaha sheegay xilli uu martiqaad u fidinayey ra’iisulwasaaraha Japan Shinzo Abe.

Shinzo Abe ayaa bogaadiyey madaxweyne Trump isaga oo tilmaamay in uu qaatay tallaabo geesinimo leh si uu ula kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Shirmadaxeedka Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu wadaa in uu dhaco bilowga bisha June ee soo socota.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ka cabaneysa kalinimo caalami ah ka dib markii la sheegay in ay ku tumatay xaquuqda aadanaha ayna tijaabisay gantaallada barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa  la sheegaa  in ay tijaabisay lix gantaal, waxayna heysataa sida la sheegay gantaallo gaaraya Mareykanka.

Goobjoog News