U bood dhigaalka

Shirweynaha Dhallinyada Qaranka oo Galay Maa;intii Labaad

Sheeko:Amniga

Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa galay maalintiisii labaad kaa uu shalay muqdisho ka daahfuray Raa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirkaan ayaa waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda xilligaan dhallinyada.

Shirkaa ayaa maanta waxa looga hadli doonaa Doodo iyo dhageysiga fikradaha kala duwan ee dhalinyarada ka qeyb galeyso shirka si loo saxo aqabada iyo fursadaha horyaal dhalinta soomaaliyeed ee ka faaiideysiga raba.

Ra’iisul oo shirkaa furay  ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Shirweynaha Dhallinyarada oo ah kii 9-aad ayaa muddada saddexda maalin uu socdo diiradda lagu saari doonaa caqabadaha dhalinta ku horgudboon sidoo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Goobjoog News