U bood dhigaalka

Shirweynaha La Dagaalanka Xagjirnimada oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Amniga

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirka u dhaxeeyay wasaaradaha Owqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlaayay ciribtirka Xagjirnimda, iyadoo ay kasoo qeyb galeen qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay intii uu socday.

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda ugu sareysa dalka, waxaana halkaas ay ka jeeduyeen khudbado kale duwan, kuwaas oo ku aadanaa Mowduuca looga hadlaayay shirka, waxaana gabagabadii shirka laga soo saaray 11 qodob oo ah wixii lagu heshiiyay oo wasaaraduhu isla garteen intii shirka uu u socday wasaaradaha labada heer ee dowladda.

Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay Culimada Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qeyb ka qaataan doorkooda ku aadan howlgallada ka dhanka Al-shabaab, waxaana madaxweyne Xasan Shiikh uu sheegay in ay Al-shabaab kala dagaalamayaan dhinacyada Milatariga Dhaqaalaha iyo sidoo kale Fikirka sida uu horey u sheegay.

Halkaan Ka Akhriso war-murtiyeedka

War murtiyeedka shirweynaha

Goobjoog News