U bood dhigaalka

Shirweynaha Madasha Gargaarka oo Ka Furmaya Kismaayo iyo Wufuud Badan oo Gaartay

Sheeko:Amniga
Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah ee maamulka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalinta Isniinta ah ee todabaadkaan waxaa ka furmaya shirweynaha Madasha Gargaarka Dalka, waxaana gaaray halkaas wufuud kale duwan oo shirkaas lagu casuumay.
Maanta magaaladaas waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, qeybna ka yihiin wasiirrada gargaarka dowladd goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug,Agaasimaha gargaarka Gobolka Banaadir iyo xubno kale.
Ujeedka wafdigaan ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Gargaarka Dalka, kaas oo ay ka qeybgalayaan, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, guddoonka hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Wasiirrada Gargaarka Dowladd Goboleedyada iyo wakiillada beesha caalamka.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland mudane Axmed Xasan Cumar ayaa garoonka diyaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey wafdigaan, kaas uu hoggaaminayay guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka.
Goobjoog News