U bood dhigaalka

Shirweynaha Midawga Afrika Oo Ka Shiraya Hiigsigiisa 2063!

Sheeko:Amniga

Shirweynaha madaxda  midowga Afrika ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana shirka kasoo qeyb galay madaxda dalalka Afrika iyo madax kle oo furitaanka shirka lagu casuumay.

Shirkaan oo ah midkii 35-aad ee madaxdu ay  yeeshaan ayaa waxaa inta uu socdo looga hadli donaa dhowr qodob  dhowr ah, waxaana kamid ah hiigsiga ururka 2063, iyo sidii wax loogaa qaban lahaa xanuunka COVID-19 oo qaaraddu wajahayso.

Qodobada shirka looga hadlaayo ayaa waxaa kale oo ku jira xasaraha siyaasadeed ee qaaradda ka jiry  qaaradda, waxaana Soomalaiya uga qeyb galaya madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Goobjoog News