U bood dhigaalka

Shirweynaha Qaran ee Dastuurka Muxuu Xanbaarasanyahay: Falanqayn

Sheeko:War

Shirweyhan Qaran ee Dastuurka ee Magaaladda Muqdishu ka socda ayaa wuxuu ku soo aadaya xili dalka siyaasadiiso ay sabaynayso. Magaaladda Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka socda shir u dhexeeya Madaxda maamul goboleedyada dalka. Mid ka mid madaxda shirka ka qaybgalaysa  Axmed Modoobe -Jubbaland asagu si cad ayuu u qaadacay shirka dastuurka xurguf u dhaxaysa dowladda Federaalka owgeed.

inta kalana walow aysan qaadicin waxay la qabaaan shakiga ah in dowladda dhexe ay khatar ku tahay maamuladooda.

Hadaba, Waxaan nasiib u yeeshay in aan tago madasha shirka Qaran ee dastuurku ka dhacayo. Ka sakow marka laga tago in ergooyin badan oo noocya kala duwan  ah ay qayb yihiin, haddana, markaad dhagaysasto nuxurka iyo fahanka ergooyyinka shirka ka soo qaybgalay waxaa kuu ka cadaanaysa in aan waddo dastuur qaran oo loo aayo dadkii iyo qabkiisa midna aan  lahaynin.

Ergooyinka shirka ka hadlay oo u badanaa maamul goboleedyada marka laga taggo Puntland ergadii ka socotay hadalkoodu wuxuu badnaa salaan iyo waan taageersanahay shirka dastuurka. Laakiin wax fahan ku saabsan dastuurka ay ka hadlayaan, ama xajimiga oo leeyahay dastuur qaran maysan xambaarsanayn.

Dastuurka waxaa ka khaladan qodobo la xiriira farsamo, sida kuwa iska hor imanaya, waxaa ku jira qodob u baahan heshiis siyaasadeed sida wadaag khayraadka, waxaa ku jira kuwa aysan ahayn in dastuur lagu qoro oo in laga saaro u baahan, laakiin intaas u dhan waxaa ka horeeya in la sameeyo jawi kalsooni iyo degaansho siyaasadeed ay ku jirto.

Shirka  waxaan ku arakay wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibril markaas ayaan waydiiyay su’aal  ah: Qodobka 20 ee dastuurka wuxuu si fiican u qeexaya in muwaadiniinto ay shirar, mudaaharaadyo qabasan karaan ayaga oo aan ciddna ka fasax qaadan, haddii aad la socotana wasaaradda amniga waxay soo saartay go’aan ah in shir ayada aan la soo marin la qaban Karin ee bal ka waran arintaas?

Wasiirka ayaa iigu jawaabay: “ waxaas waa khurafaad, cidd diidi karta ma jirto in aad shir qabastaan. Haddii ay jiraan cidd u ololaysa arimahaas ii imaada Raysulwsaaraha ayaan idiin balaminyaa”

De waayahay in qodob dastuur ah la raaco miyaa Raysul wasaaraha lagala xaajoon ayaa is waydiiyay.

Hadda ka hor waxaa xasuustaa markii wasaaradda Amnigu go’aankaas soo rogtay in wasiirku bartiisa Twitterka ku soo qoray in ay khalad tahay laakiin muddo yar ka yar uu ka dajiyay qormadaas.

Si aan arintaaas u sii cadeeyo, Siyaasiyagga Cabdirxmaan Cabdishakuur in uu shir ama dood ku qabasdo magaaladda Muqdishu waa loo diiday ayada oo si cad loo hareer maryo qodobka 20naad ee dastuurka.

Fiiri qodobka 4aad ee dastuurka oo ka hadlaya saraynta sharciga. Wuxuu leeyahay Shareecadda Islaamka ka sakow, dastuurka ayaa ah shariciga dalka ugu sareeya. Asaga ayaa dowladda go’aamadeed iyo siyaasadaheeda haggaya, in ay raacdana waa waajib dhamaan go’aamadeed. Haddabba fiiri qaabaka dowladdu ay hareer martay sharciga dalka marakay diiday in shirar siyaasadeed la qabasado.

Haddii xukuumaddii ay ahayd in ay ilaaliso dastuurka ay baalmarayso maxaa laga wada hadlayaa aan is waydiinee?. Midda kale maamul goboleedyaddii iyo siyaaasiyiintii ay hayd in qayb ka noqdaan dastuurka dib u habayntiisa haddii aad dagaal kula jirto yaad u sheego  dastuur ayaan  dib u eegyaa.?

Ahmed Abdihaadi,

Freelance Journalist and Political Commentator.