U bood dhigaalka

Shirweynaha Qaran Ee Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo jimco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweyne qaran oo dhallinyarada ah, kaasi oo looga hadli doono arrimo badan oo dhalinyarada quseeya.

Wasiirka dhallinyarada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay shirkaan iyo muhiimadda uu leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay in qodobada ugu muhiimsan oo shirweynaha lagu soo hadal qaadi doono inay kamid yihiin waxbarashada, shaqo la’aanta, tahriibka iyo kaalinta siyaasadda ee dhallinyarada.

“Shirkani waxaa loogu tala galay inay isku xog wareystaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale jira oo ajendaha shirka yahay in lasoo bandhiga siyaasadda ay damacsan tahay dowladda Soomaaliya inay ku maamusho dhallinyarada Soomaaliyeed, in la sameyn doono golihii dhallinyarada qaranka Soomaaliya waqti dhow, laakiinse natiijadiisa aysan kasoo baxayn shirka kan, waxaa sidoo kale jira arrimaha faraha badan ee dhallinyarada horyaalla, hadii ay noqon lahaayeen caqabadaha shaqo la’aanta, arrimaha la xiriira tahriibka, burcad badeedda, iyo kuwa la nool fikradaha xagjirka ah dhammaantood la’isla gorfeeyo oo laga qaato bayaanno cadcad oo dhallinyarada Soomaaliyeed taariikh u noqon doonto” ayuu yiri Wasiirka.

Shirkani oo maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galaya ergooyin gaaraya 100 dhallinyaro oo ka kala yimid goballada dalka iyo meelo ka baxsan dalka sida wadamo dibadda ah.

Dhallinyarada ka qeyb galaysa shirka waxaa qaarkood ay qaxooti ku yihiin wadamo kale kuwaas oo aragtidooda ku soo bandhigi doona shirkani.

Goobjoog News