U bood dhigaalka

Shirweyne Dhaqaalaha Looga Hadlayo oo Ka Furmayo Addis Ababa, Madaxweynaha oo Ka Qeybgalaya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Itoobiya halkaasi oo uu ka furmayo shirweyne dhaqaalaha looga hadlayo oo Midoowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay qabanayaan .

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya 30 dowladood oo caalamka ka kala socda waxaana soo qaban qaabisay qaramada Midoobay, waxaana looga hadlayaa horumarinta dhaqaalaha aduunka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo Afrika lagu qabto.

Illaa 30 dowladood ayaa ka qeybgalaya shirka , madaxda ka hadlaysana waxaa ka mid ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Guddoomiyaha Midoowga Afrika ee sanadkan Zimbabwe Robert Mugabe iyo guddoomiyaha gudiga Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma ayaa sidoo kale shirka ka qeybgalaya .

Goobjoog News