U bood dhigaalka

Shirweyne Qaran Oo Maanta ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana soo qabanqaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya dhallinyaro, ururada bulshada rayidka iyomarti sharaf kale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa furitaanka shirkaan ka qeybgalay, waxaana shirkaan inta uu socdo looga hadlayaa siyaasadda dhallinyarada ee dhowaan ay meelmariyeen golaha wasiirada.

Dhallinyarada ayaa dhiiban doona aragtidooda, waxaana ay soo jeedin doonaan talooyin la xiriira siyaasadda dhallinyarada.

Waxaa kaloo shirkaan looga hadli doonaa sidii loo mideyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, maadaama 70% dalka dhallinyaro yahay.

Goobjoog News