U bood dhigaalka

Shuruudda Doorashada Guddoomiyeyaasha Labada Aqal iyo Ku Xigeennadooda

Sheeko:Dalka

Mar haddii Talaadadii la doortay Odoyaashii noqon lahaa guddoomiyeyaasha KMG ah ee labaqa aqal iyo dhalinyaradii caawin laheyd, hadda waxaa la sugayaa in aqal weliba uu fadhigiisa gaar-ka ah yeesho halkaas oo weji cusub ka bilaabanayo.

Daqiiqadi kadib markii la dhaariyay Xildhibaannada labada aqal, waxaa bilowday in la isku sharaxo qabashada xilka guddoomiyaha iyo ku xiginadooda.

Hadaba halkan ka akhriso shuruudda loo marayo doorashada guddoonka labada aqal:

Si waafaqsan qodobka 65 iyo qodobka 73 ee dastuurka federaalka ah, shir guddoomiyaha KMG ah ee aqal weliba ayaa guddoominaya kulamada lagu dooranayo guddoomiyaha iyo ku xigeennada oo aqal walba u gaar ah.

Guddoomiyaha iyo ku xigeennada rasmiga ah waxaa lagu dooranayaa ugu yaraan aqlabiyad tirada guud ee xubnaha aqal walba (50%+1) oo codeyn qarsoodi ah.

Murashax kasta oo u tartamaya xilka xafiiska guddoomiyaha ama ku xigeennada waa in uu ka tirsan yahay golaha uu guddoonkiisa u tartamayo.

Murashax walba waa in uu soo gudbiyaa arji qoraal ah oo ay ku lifaaqan yihiin 2 sawir iyo CV.

Murashax walba oo u tartamaya guddoomiyenimada labada aqal midkood waa in uu bixiyaa US$ 15,000/- Ku Xigeennada waxaa ay bixinayaan US% 10,000 curraar ah oo aan dib loo celineyn, laguna shubayo xisaabta socota ee baarlamaanka ku leeyahay bangiga dhexe.

Murashax walba oo u tartamaya jagooyinka guddoonka aqalka walba waa in murashaxnimadiisa fadhiga guud ee aqal walba u gaar ah uu u soo jeediyaa uga yaraan hal Xildhibaan ama ka badan oo ka tirsan aqalkiisa kuna taageeraa hal xildhibaan ama ka badan oo isla aqalakiisa ah.

Murashax kasta waa in uu arjiga ku cadeeyaa jagada uu u tartamayo(Guddoomiye ama guddoomiye ku xigeenka 1aad ama 2aad).

Xildhibaan kasta waxaa uu warqadda codbixinta ku ridayaa warqad shafaafi ah, wixii dhexdeeda ku jira muuqdaan, daboolka sarena ku leh jeexniin furan, oo inta codeynta la bilaabin ka horna la hubinayo in uu faaruq yahay.

Si waafaqsan qodobka 65(4) ee dastuurka, wareega koobaad waxaa jagada guddoomiyaha golaha shacabka ama guddoomiyaha aqalka sare ku guuleysanaya murashaxii hela ugu yaraan aqlabiyadda(50%+1) tirada guud ee xubnaha golaha.

Haddii murashax uu heli waaya aqlabiyadaas, waxaa loo gudbayaa codeynta wareegga labaad.

Haddii wareegga koobaad kadib ay murashaxiin isu tanaasulaan ama iskood tartanka uga baxaan, oo labo murashax isku soo haraan, waxaa toos loogu gudbayaa wareegga 3aad, oo murashaxii hela codadka ugu badan ayaa ku guuleysanaya guddoomiyenimada golaha.

Doorashada wareegga 2aad, waxaa u gudbaya oo keliya 4-ta musharax oo wareegga 1aad helay cododka ugu badan, haddii uu muarshaxiinta helaan codod isla eg, iyaga waxaa ay xaq u leeyihiin in ay u gudbaan wareegga 2aad, murashaxii hela ugu yaraan aqlabiyadda boqolkiiba konton iyo hal(50%+1) tirada guud ee xubnaha golaha ayaa ku guuleysanaya guddoomiyenimada. Haddii murashaxna midkood helin aqlabiyaddaas, waxaa loo gudbayaa codeynta wareegga 3aad.

Doorashada wareegga 3aad, waxaa ku tartamaya labada musharax ee wareegga labaad helay cododka ugu badan, haddiise uu jiro musharax 3aad oo helay codad barbardhac ah wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qeybgalo una gudbo tartanka doorashada wareegga 3aad. Wareegga 3aad waxaa guddoomiyenimada ku guuleysanaya mushaxii hela cododadka ugu tirada badan.

Murkii codadka la soo gabogabeeyo, shir guddoonka KMG ah waxaa uu furayaa sanduuqa, codadka ayaa la tirinayaa, shir guddoonka KMG ahbaa ku dhawaaqaya musharaxa ku guuleysta jagada guddoomiyaha ama ku xigeennada golaha.

Guddoomiyaha golaha inta uusan xilka la wareegin waa in uu istiqaalooda xil kasta oo uu u hayey xisbi siyaasadeed, waxaana laga doonayaa in uu fulinta howlaha xafiiska guddoonka iyo ku xigeennadiisa ay ahaadaan mid dhab ahaan si adag ugu dhehaan dhexdhexaadnimo.

Doorashada ku xigeenada guddoomiyaha waxaa la raacayaa isla nidaamka iyo habraaca kor ku xusan ee lagu doorto guddoomiyaha golaha.

Qeybta 2aad: Xilalka Shir-guddoomiyeyaasha KMG ah ee labada aqal

Waxaa ay guddoominayaan kulamada aqalka ay ka tirsan yihiin ilaa inta guddoomiyaha rasmiga ah laga dooranayo.

Shir guddoomiyeyaasha KMG ah ayaa guddoominaya kulamada inta gole walba ka dooranayo guddoomiye rasmi ah iyo ku xigeenadiisa.

Qeybta3aad: Guddiga doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiyaha aqalka sare iyo ku xigeenaddooda.

Labada aqal ee baarlamaanka wuxuu mid walba dhisanayaa guddiga doorashada guddoomiyaha.

Guddigan waxaa yeelanayaa 2 guddi hoosaad oo kala ah:

Guddi hoosaad nidaaminta iyo diwaangelinta musharaxiinta, waxaa uu mas’uul ka yahay:

Nidaaminta maamuuska munaasabadda, Xeer hoosaadka, diwaangelinta iyo hubinta warqadaha musharaxiinta, musharaxiinta iyo magacawga, hab maamuuska, isugu yeerid munaasibado iyo dhageysi iyo xallinta xabashooyinka.

Shaqada guud iyo Maaliyadda, wuxuu mas’uul ka yahay:

Amniga, Loojistikada, Diiwaangelinta iyo Faraqaadka(Bio-Metrics), Iibsiga alaabta iyo ilaalinta maaliyadda iyo xisaabta bangiga.

Guddi hoosaad kasta wuxuu iska dhexdooranayaa guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Guddi-hoosaad kasta wuxuu dejisan karaa xeer-nidaamiye ay ku hawlgalaan.

Guntanka guddiga doorashada waa kala barka tirada xubnaha iyo hal dheeri(50+1).

Kulanka labada guddi-hoosaadka ayuu ka sameynayaa fadhiga guud ee guddiga doorashada. Guddi hoosaad walbaa wuxuu warbixintiisii iyo talooyinkiisa u gudbinayaa fadhiga guud ee guddiga doorashada.

Xilheynta guddiga doorashada xubnaha guddoonka wuxuu ku eg yahay markii ay dhamaato doorashada guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennadooda rasmiga ah ee labada aqal.

W/Q:  Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,