U bood dhigaalka

Si Uu Waqtiga U Dheereysto, Farmaajo Waxaa Uu Dalbaday Dhexdhexadinta Midowga Afrika

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho hal maalin ah ku tagay Kinshasa, oo ah caasimadda Democratic Republic of Congo (DRC) ayaa dalbaday in la dhexgalo isaga iyo mucaaradka.

Farmaajo oo kulan 2 saac ah la qaatay Madaxweynaha Congo oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika Felix Tshisekedi ayaa codsaday inuu dhexdhexaadiyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo saamileyda Soomaaliyeed.

Talaabo u eg waqti dheereysi iyo ka cararidda reer galbeedka, waxaa uu Farmaajo ku dooday in Afrikaanka ay tahay iney dhexdooda is xaliyaan.

Warar ayaa sheegaya inuu arrintaas soo dhoweeyey madaxa Midowga Afrika Felix Tshisekedi.

Dhanka kale qoraal lasoo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya aya lagu sheegay in dhankiisa uu Farmaajo balan qaaday qabashada Doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Goobjoog News