U bood dhigaalka

Saciid Xasan Shire “Baarlamaanka Puntland iyo midka dowladda Federaalka ah xiriir wanaagsan baa ka dhaxeeya”

Sheeko:Dalka

Afhayeenka golaha xeer dajinta Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo xiriirka bilowga ah ee baarlamaanadda Puntland iyo kan dowladda Federaalka u dhaxeeya.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in la sugayay inuu furitaanka fadhiga baarlamaanka ka qayb galo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari balse wararku sheegayaan inuu ka baaqsaday fadhigaasi.

Siciid Xasan Shire ayaa tilmaamay in muddadii uu shaqeynayay baarlamaanka Puntland uu qabtay waxyaabo badan oo mudan in la taageero waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhawaan ayaa heshiiskii ka dhacay magaalada Garoowe ayna wada gaareen xukuumad Soomaaliya iyo maamulka Puntland, waxaa qeyb ka ah wada shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya iyo midka maamulka Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News